UNTMIS
Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Kooxda War-isgaarsiinta Istiraatiijiga ah iyo Arrimaha Bulshada (SCPAG)

SCPAG cover photo

Kooxda War-isgaarsiinta Istiraatiijiga ah iyo Arrimaha Bulshada (SCPAG) waxay bixisaa taageero ku aaddan hawlo war-isgaarsiin iyo wax-soo-saar kala duwan oo xuddun u ah shaqada UNTMIS, xiriirrada warbaahinta, iyo wacyigelinta bulshada, oo waafaqsan waajibaadka Hawlgalka.

War-isgaarsiinta Istiraatiijiga ah iyo ololayaasha muhiimka ah ayaa diiradda lagu saarayaa geeddi-socodyada nabad-dhisidda iyo dowlad-dhisidda, dedaallada dib-u-heshiisiinta, horumarrada amniga, ka-hortagga iyo la-dagaallanka xagjirnimada rabshadaha wata, ka-qaybgalka haweenka ee geeddi-socodka siyaasadda, xuquuqaha aadanaha iyo arrimaha dhallinyarada, iyo kuwo kale.

Iyadoo ujeeddadu tahay in Soomaaliya laga hirgeliyo jawiga warbaahin madax-bannaan oo xor ah, ayaa kooxda SCPAG waxaa ay taageertaa horumarinta warbaahinta maxalliga ah iyadoo bixisa tababarro ku saabsan arrimaha la xiriira xuquuqaha iyo mas'uuliyadaha suxufiyiinta, tebinta warar anshax ku dhisan, iyo adeegsiga tignoolajiyadaha casriga ah ee ugu dambeeyay.

Kooxda SCPAG ayaa sidoo kale taageerta horumarinta awoodaha war-isgaarsiinta dowladda Soomaaliya, iyadoo u fidineysa tababarro farsamo oo ku saabsan ololayaasha war-isgaarsiinta, madallada baraha bulshada, iyo mareegtooyinka (baraha internetka) ee wasaaradaha iyo hay'adaha kala duwan ee dowladda.