UNTMIS
Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Maqaal — Leyla Cabdi Maxamed: Raacistii xiisihii ay u haysay saxaafadda iyo in ay haweenka Soomaaliyeed uga qareemeyso warbaahinta

Image_1

Muqdisho: Leyla Cabdi Maxamed ayaa iyada oo aad u da’ yar jeclaan jirtey in ay suxifiyad noqoto – xiisaheedu waxaa uu ka soo unkamey waxyaabihii ay tooska ugala kala kulantey dagaalka sokeeye ee Soomaaliya.

“Waxaan indhayga ku arkey sida dagaalka sokeeye ay uga dhasheen masiibooyin loo baahnaa in la diiwaangeliyo – aasaasiyan, ku-noolaanshahaygii magaalo uu dagaalku burburiyey ayaa igu xiiso-gelisey in aan barto oo aan ka shaqeeyo saxaafadda,” ayaa ay tiri.

Maanta, iyada oo waayo-aragnimo 13 sano ah u leh waaxda warbaahinta ee Soomaaliya ee firfircoon, ayaa Leyla oo 30 sano jir ah waxaa ayba sii dhaaftey wixii ay jeclaan jirtey carruurnimadeedii waxaana ay noqotey tifaftiraha guud ee mid ka mid ah idaacadaha safka hore kaga jira Geeska Afrika, iyo sidoo kale qof lagu yaqaanno ololeynta oo u doodda matalaadda, ka qaybgelinta iyo xuquuqda haweenka ee saaxadeeda.

“Inkasta oo aan xirfaddeyda shaqo bilaabey anoo aad u da’ yar, haddana weligey ilbiriqdi kama shaleynin go’aankeyga. Waxaan saxaafadda u arkey in ay tahay xirfadda shaqo ee keliya ee aan wax kaga beddeli karo nolosheyda, oo dhab-ahaantiina taasi waa ay dhacdey,” ayaa ay tiri Leyla, oo sidoo kale loo yaqaanno ‘Leyla Ugbaad.’

Ardayad

Leyla waxaa ay ku dhalatey Muqdisho sanadkii 1994. Waxaa ay dhigatey dugsiga Al-Farhan Primary and Secondary School ee Muqdisho ku yaalla sanadihii 2001dii ilaa 2010kii, waxaana ay waxbarashadeeda Jaamacadda ee culuunta maamulka guud ka sii wadatey Jaamacadda Soomaaliya sanadkii 2013kii, iyada oo ka qalinjebisey sanadkii 2016kii.

Image_2

“Waxaan si joogto ah door firfircoon uga qaadan jirey tartamada iskuulka, kuwaas oo ay ka mid yihiin kuwa daabuurka dugsiga ee subaxdii halkaas oo suugaan iyo waxqabadyo kale lagu soo bandhigi jirey. Waxaan gaar ahaan ka-qaybqaadan jirey akhrinta gabayada iyo warbixinnada, kuwaas oo noqdey meel aan dareemey in riyadeydii suxufinimada ay ku rumoobeyso. Sida aan Af-Soomaaliga u akhriyo ayaa loo arkey in ay aad u fiican tahay, waxaana ardayda aan isku fasalka ahayn badanaa igu dhiirrigelin jireen in aan ku sii dadaalo sidii aan uga dhabeyn lahaa riyadeyda,” ayaa ay tiri.

“Waxbarashadeyda jaamacadeed kuma bilaabin shahaaddo la xiriirta saxaafadda. Waqtigaas, waxaa Muqdisho ka jirtey keliya hal jaamacad oo bixisa waxbarashada saxaafadda, waxaana markii aan ogaadey in koorsooyinka ay ku baxaan Af-Carabi – waqtigaa kuma fiicneyn luqadda carabiga – suuragal iima ahayn in aan is-qoro. Welina, waxaan rabey in aan ka shaqeeyo warbaahinta sidaa daraaddeed waxaan galey waxbarashadeydii oo culuun kale la halmaashey, laakiin isla waqtigaa waxaan waxbarashada beddelkeed raadsadey in aan waayo-aragnimo saxaafadeed ka helo hay’adaha warbaahinta,” ayaa ay tiri.

Jihadan waxbarashadeedu ku socotey ayaa durba is-beddeshey. Ka dib markii ay dhammeysatey waxbarashada shahaaddada koowaad ee jaamacadda, Leyla waxaa ay deeq waxbarasho oo buuxda oo shahaaddada labaad ee jaamacadda ee Master of Arts degree in Journalism Innovation and Leadership oo laga baranayo internet-ka ka heshey Jaamacadda University of Central Lancashire. Waxaa ayna bilowdey bishi Jannaayo 2023kii waxaana ay qalinjebisey bishii Luuliyo sanadkii la soo dhaafey.

“Tani ayaa ii ahayd fursad mar keliya ku soo marta inta aad nooshahay. Waxaan deeq waxbarasho oo la xiriirta wixii aan weligey jeclaa ka heley mid ka mid ah jaamacadaha ugu wanaagsan dalka Ingiriiska,” ayaa ay tiri Leyla.

“Waxaan rabey in aan waxbarashadeyda ku xaddidnaan shahaaddada koowaad ee jaamacadda oo keliya,” ayaa ay raacisey. “Markii aan heley deeq waxbarasho, fursadda ayaa dhab iri maaddaama aan xiiso badan u hayey saxaafadda oo aanna aaminsanaa in ay kobcin doonto xirfaddeyda shaqo ayna sii wanaajin doonto awoodda aan u leeyahay in aan si wanaagsan u barto saaxada aan ku jiro.” Marka laga soo tago guushaasi waxbarasho, Leyla waxaa ay sidoo kale sanadkii 2024kii ay shahaaddada mastarka ee culuunta diblomaasiyadda iyo xiriirka caalamiga ka qaadatey jaamacadda Kenyatta University ee magaalada Nairobi, Kenya.

“Waxbarashadeyda ka dib shahaaddada koowaad ee jaamacadda ayaa sidoo kale waddada u xaadhey mustaqbal ifaya oo aan ku yeesho akadeemiyada maaddaama aan rajeynayo in maalin aan awood u yeelan doono in aan wax ka dhigo jaamacad Soomaaliya iyo dibaddeedaba,” ayaa ay tiri.

Suxufiyad

Leyla waxaa ay shaqo ay lacag ku qaadato oo suxufinimo ah bilowday sanadkii 2012kii iyada oo 18 sano jir ah, iyada oo islamarkaana wadata waxbarashadeedii shahaaddada koowaad ee jaamacadda. Waxaa ay ka shaqeysay Radio Kulmiye, oo ah warbaahin xarunteedu tahay Muqdisho, iyada oo ahayd wariye ilaa sanadkii 2013kii. Ka dib waxaa ay ku biirtey Idaacadda Bar Kulan ee QM ay taageereysey oo hadda la xirey, halkaas oo ay ugu shaqeyneysey wariyenimo iyo barnaamij-soo-saare ilaa sanadkii 2016kii.

Image_3

“Ka hor intii aanan shaqo ka bilaabin idaacaddii iigu horreysay, waxaan la fariistey hooyadey waxaana u sheegey in aan rabo in aan noqdo suxufiyad. Markii hore, waa ay ii diiddey, iyada oo ku dooddey in aan weli aad u yarahay, oo aan jiro keliya 16 sano. Waxaan ku qanciyey in aan heli karo mushaar aan bil kasta qaato oo aan qoyskana ku caawin karo sanado gudahood,” ayaa ay tiri Leyla.

“Laakiin waxaa go’aanka aan qaatey riixayey ma ahayn mushaarka aan soo xusey – ee waxaa uu ahaa xiisaha gunta dheer ee aan u hayey warbaahinta,” ayaa ay raacisey. “Welwelka ay hooyadey qabtey kuma saabsaneyn da’deyda, waxaa uu ku saabsanaa halista suxufiyiinta ku soo wajahda Soomaaliya, maaddaama qaar badan horey loo diley shaqadooda daraaddeed.”

Sida uu qabo ururka madaxa bannaan ee the Committee to Protect Journalists, Soomaaliya waa mid ka mid ah meelaha ugu halis badan ee suxufi ahaan looga shaqeeya. Tan iyo sanadkii 1992kii, 79 suxufi ayaa lagu diley Soomaaliya.

Tifaftire

Taageerada qoyskeeda ayaa sidoo kale gacan ka siisey tallaabadii xigtey ee xirfaddeeda shaqo: in ay u soo wareegto Nairobi oo ay jago barnaamij-soo-saare ah ka qabato warbaahin caan ah, Radio Ergo.

Image_4

Idaacadda oo uu maamulo urur aan dowli ahayn oo caalami ah (NGO), International Media Support, oo waqtiganna ay maaliyad ahaan taageeraan hay’adda the Swedish International Development Cooperation Agency (SIDA) iyo the Danish International Development Agency (DANIDA), idaacadda ayaa soo saarta oo baahisa wararka iyo maclumaadka hawlaha bani’aadamnimada ee guud ahaan Soomaaliya iyo gobolka Af-Soomaaliga looga hadlo.

Barnaamijyadeeda ayaa ka hadla caafimaadka, waxbarashada, barakaca, beeraha iyo xoolaha, jinsiga (gender), shaqada, bay’ada, dhaqanka, maamulka dowladeed, iyo mowduucyo kale. Sida ku taalla bartiisa internet-ka, Radio Ergo “waxaa uu hiigsanayaa in uu dhegeystayaasha degaanka siiyo macluumaadka muhiimka ah ee ay ugu baahan yihiin in ay go’aamo wanaagsan oo ogaal ku dhisan ka qaataan arrimaha muhiimka ah ee saameynaya noloshooda iyo maciishadahooda.”

Sanadkii 2018kii, afar sano oo keliya ka dib, ayaa Leyla waxaa loo dalacsiiyey in ay noqoto tifaftiraha guud ee idaacadda – waqtigaas oo ay yaraayeen haweenka Soomaaliyeed ee gaarey heerarka sare ee hoggaaminta xarumo warbaahin oo wararka tebiya – waxaana ay maareyneysey koox 40 suxufi ah oo kala jooga Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.

“Idaacadda ayaa ah warbaahinta keliya ee macluumaad hawlaha bani’aadamnimada ku gaar ah siisa Soomaalida,” ayaa ay tiri.

“Waxaan kormeeraa barnaamij-sameynta idaacadda kuwaas oo ka hadlaya mowduucyo ay ka mid yihiin caafimaadka, waxbarashada, ilaalinta, beeraha iyo xoolaha, jinsiga (gender), dhallinyarada iyo shaqada, ilaalinta bay’ada, dhaqanka iyo maamulka dowladeed. Waxaana NGO-yo, hay’adaha QM iyo bahwadaag kale aan iskaashi kala leenahay dejinta barnaamijyo waxtar leh.”

U-qareemeeye

Iyada oo shaqadeedana sii wadata, ayaa Leyla waxaa sidoo kale ay codkeeda kor ugu qaadeysey meelo ka baxsan qolalka wararka iyada oo isku dayeysa in ay wax ka beddesho saaxada warbaahinta ee raggu ku gacan-sarreeyo.

Image_5

“Markii aan xirfaddeyda shaqo ka bilaabey warbaahinta, waxaan is arkey anniga oo aan haysan cid aan ku daydo oo i dhiirrigeliya. Waxaan u baahnaa la-taliye ama halyey saaxada horey ugu jiray oo i haga oo i tusa waxa suuragalka ah. Qof aan sheekadiisa dhegeysan karo, waxaana aan aad ugu hamuun qabey ku-xirnaan gun-dheer iyo cid igu hagta xirfaddayda shaqo,” ayaa ay tiri.

“Markaan hareerahayga eegay si aan u arko haween suxufiyiin ah oo tusaale ii noqda, iima muuqaan cid aan ku dayan karo sababta oo ah dhammaantooda waxaa ay hayeen jagooyin heerkoodu hooseeyo, oo aan lahayn mas’uuliyado wax maareyn, waxaa loo xilsaarayey in ay akhriyaan wararka iyo in ay ka soo warramaan sheekooyinka aan macnaha weyn lahayn (soft stories),” ayaa ay sii raacisey. Xaaladda haweenka ayaa tartartiib u soo wanaagsanaaneysa. Sida uu qabo Isutagga Suxufiyiinta Soomaaliyeed / the Federation of Somali Journalists (FESOJ), shaqaalaha warbaahinta ee 1,100-ka ah ee hadda ka kala shaqeeya guud ahaan Soomaaliya, ilaa 400 ayaa haween ah.

Sida ay qabto mu’asasada Iftin Foundation, oo ah NGO maxalli ah oo u go’doomey cilmibaaris waxbarasho iyo horumar, tirada ka qalinjebiyey saxaafadda iyo daraasaadka warbaahinta ee guud ahaan Soomaaliya sanadkii 2022kii waxaa ay ahaayeen 92, kuwaas oo 39 – ama 42 boqolkiiba – ay ahaayeen haween.

Si la mid ah sida ay ku bilowdey mihnaddeeda, ayaa Leyla waxaa ay goor hore u bilowdey u-qareemeynteeda. Sanadkii 2014kii, iyada oo ay weheliyaan tiro yar oo gabdho saaxiibadeeda shaqada ah, waxaa ay sameysey NGO iyada oo arrintan maanka ku haysa: Somali Women in Media (SOMWIM).

“Yoolkeygu waa in aan dhiirrigeliyo sinnaanta jinsiga iyo in aan taageero suxufiyiinta haweenka ah ee haya xilal hoggaamineed. Waxaan jeclaa in aan dhiirrigeliyo in ay midoobaan haweenka suxufiyiinta ah,” ayaa ay tiri.

SOMWIM waxaa uu ka shaqeeyaa in ay haweenku ka dhex muuqdaan warbaahinta Soomaaliyeed iyo in aan dhiirrigelinno in ay galaan hoggaanka saaxada, waxaana uu diiradda saaraa dhisidda kartida haweenka suxufiyiinta ah.

Tan iyo markii la unkey, isaga oo mararka qaar kaashanaya ururro saxaafadeed oo maxalli ah, ayaa SOMWIM waxaa uu tababar siiyey boqollaal suxufiyiin Soomaaliyeed ah.

“Waxaan xoog saaraa anshaxa saxaafadda iyo waxbarashada. hab-dhaqannada ugu wanaagsan ee saxaafadeed waxaa ay saleysan yihiin qiyam iyo xaqiiqooyin, ee kuma saleysna rabitaanka suxufiyiinta, waana taas waxa aan isku dayayo in aan ku beero,” ayaa ay tiri Leyla. “Waxaa iga go’an in aan mar walba suxufiyiinta dheddigga ah ku taageero caawimada aan ka helo qof kasta oo u diyaar ah in uu gacan igu siiyo. Waxaa anoo ku faanaya sheegi karaa in aanan maanta ahayn qofkii aan ahaa 13 sano ka hor markaas oo ahayd markii ugu horreysey ee aan ku biiro warbaahinta anniga oo aan fahamsaneyn culeysyada iga horreeya,” ayaa ay hadalkeeda sii raacisey. “Laakiin maanta, waxaan dhab ahaan u aaminsanahay in dadaalladeydii, iyo dadaallada haween kale oo ka shaqeeya warbaahinta, ay faa’iido weyn ka heli doonto Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca kobcinta nabadda iyo horumarka.”

Taageerada QM

Qaramada Midoobey waxaa ay u qareemeysaa doorka muhiimka ah ee warbaahinta, saxaafadda, helidda iyo baahinta macluumaadka ay ka ciyaaraan hubinta mustaqbal waara.

Image_6

Sida ay qabto Hay’adda QM ee Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka (UNESCO), xoriyadda warbaahinta iyo helidda macluumaadku waxaa ay wax ku biiriyaan ujeeddada ballaaran ee horumarineed ee awoodsiinta dadka, iyo in awoodsiintu ay tahay geeddi-socod geeso badan oo dhinac bulsho iyo siyaasadeed oo dadka ka caawiya in ay gacanta ku dhigaan noloshooda. UNESCO ayaa iyada oo hadalkeeda sii wadda waxaa ay sheegtey in tani lagu xaqiijin karo keliya iyada oo loo marayo helidda macluumaad sax ah, miisaaman oo aan cid u eexan, oo matalaya aaraa’ kala duwan oo badan, iyo sida si firfircoon ay war-isgaarsiintu kor iyo hoosba iyo dhinacyaduba ugu kala socoto (vertical and horizontal communication), sidaana ay si firfircoon uga qaybqaadaneyso nolosha bulshada.

Soomaaliya gudaheeda, Qaramada Midoobey waxaa ay horumarisaa warbaahinta iyada oo u mareysa shaqada ay la hayso ururrada kala duwan ee ka jira guud ahaan dalka, oo uu ka mid yahay SOMWIN, kaas oo ay gacan ku siisey tababarro kala duwan oo uu qabtey sanadihii la soo dhaafey.

“Warbaahintu waxaa ay door muhiim ah ku dhex leedahay bulshada Soomaaliyeed inta uu dalku dhismayo, waana habab macluumaad bulsho oo ay suuragal tahay in ay xoogganaadaan. Farriimaha ay gudbinayaan waxaa ay beddeli karaan ama xoojin karaan caadooyinka iyo hab-dhaqannada bulshada, waxaana ay abaabuli karaan muwaadiniinta si ay u qaadaan tallaabooyin horusocod leh,” ayaa uu yiri Ari Gaitanis, Madaxa Kooxda War-Isgaarsiinta Istiraatiijiga ah iyo Arrimaha Dadweynaha / Chief of the Strategic Communications and Public Affairs Group (SCPAG) ee Hawlgalka QM ee Kalaguurka ee Kaalmada Soomaaliya / The UN Transitional Assistance Mission in Somalia (UNTMIS).

“Sida dalalka kalaba, saxaafadda Soomaaliya waa waax is-beddel badan waxaana ay noqon kartaa mihnad ay adag tahay in haweenka Soomaaliyeed ay dhex galaan. Waa caadi in kuwa doonaya in ay dhex galaan ay ku khasbanaadaan in ay ka qaalib noqdaan culeys badan oo kaga imanaya bulshada si ay u noqdaan wariyeyaal, iyaga oo mararka qaar si sir ah wax u barta ama ku shaqeeya sumad-laawenimo,” ayaa uu ku darey. “Dadaalka iyo adkeysiga Leyla waxaa markhaati u ah heerka sare ee ay gaartey, waxaana tusaale cajiib ah – warinimadeeda iyo hawsheeda u-qareemeynta ahba – u yihiin haweenka kale ee Soomaaliyeed ee laga yaabo in ay ku fekerayaan in ay ka shaqeeyaan saaxadan muhiimka ah.”