UNTMIS
Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Maqaal – Zakariya Saciid Yuusuf: Waa horyaalka waxbarashada dadka maqalka la’ ee Puntland

cover_photo

Garoowe, 16 Agoossto 2025 – Heshiiska QM ee Xuquuqda Dadka Naafada ah ayaa saxiixeyaashiisa ku waajibinaya in ay hubiyaan in dadka naafada ah aan dibadda looga saarin hannaanka waxbarashada guud iyada oo taas sal looga dhigayo naafanimadooda.

Heshiiska noocaas ah waa mid ay tahay in uu soo dhoweeyo dal sida Soomaaliya oo kale ah oo dib-u-dhis uu ku socdo ka dib tobannaan sano oo ay ka jireen colaad iyo dagaal sokeeye. Haseyeeshee, hirgelintiisa ayaa waqti qaadan karta.

“Mabda’ ahaan waa wax wanaagsan, laakiin haddii laga tusaale qaato wixii aan halkaan ku aragney, waqti dheer ayaa ay qaadan kartaa in la dareemo raadkiisa sidaa daraaddeeed ma sugi karno, ayaa uu yiri Mudane Zakariya.

Zakariya oo ah 52-sano jir deggan Garoowe, caasimadda Dowlad Goboleedka geesta waqooyi ugu xiga Soomaaliya ee Puntland, ayaa toos u soo arkey waxa uu macnaheedu yahay in aad ahaato ilmo soo barbaarey isaga oo aan wax maqli karin oo aan haysanna waxbarasha khaas ah. Taas ayaana ah waxa ku khasbey in uu tallaabo qaado.

Sanadkii 2016kii, waxaa uu hoggaamiyey dadaallo lagu aasaasayey mac-hadkii ugu horreeyey Dowlad Goboleedka ee loogu talogaley ardayda maqalka la’: Hay’adda Puntland Deaf Care and Development Agency (PDCDA), oo sidoo kale uu qayb ka yahay dugsiga keliya ee asaasiga ah ee bixiya waxbarasho nidaami ah ee u gaar ah ardayda noocan ah.

“Wax fudud ma ahayn – waxaan caawimo weydiistey daneeyeyaal kala duwan, oo ay ka mid tahay dowladda Puntland” ayaa uu yiri Zakariya. “Markii aan oggolaansho uga heley, ayaa la aasaasey Hay’adda, waxaana agaasimaha dugsiga la ii magacaabey sanadkii 2018kii.”

Marka mudane Zakariya uu leeyahay wax fudud ma ahayn, waxaa uu ka hadlayaa aasaasidda hay’adda PDCDA – laakiin waxaa dhici karta in uu sidoo kale ka hadlayo wixii isaga soo marey intii uu korayey isaga oo ah ilmo dhogool ah oo Soomaaliya ku noolaa iyada oo ay asocoto colaad hubeysan ayna jiraan dhibaatooyin bani’aadamnimo.

feature_photo

Bilowgii hore

Mudane Zakariya waxaa uu 1973kii ku dhashey caasimadda dalka ee Muqdisho, waxaana uu qoyskiisu ka koobnaa toddoba xubnood. Noloshiisa ayaa is-beddel xooggan uu ku dhacay keliya saddex sano ka dib dhalashadiisii, markii uu dhaawac ka soo gaarey madaxa kaas oo saameyn ku yeeshey maqalkiisa.

“Tani waxay nolosheydu u beddeshey si abadi ah. Dhowr sano ka dib markii uu shilku igu dhacay, ayaa dhakhaatiirtu waxaa ay xaqiijiyeen in aan dib dambe wax u maqli doonin. Ilmo yar ayaan ahaa, laakiin waalidiintey waxay ii sheegeen in wax walba ay sameyn kareen ay sameeyaan si ah gacan iiga siiyaan in aan dib u helo maqalkeyga,” ayaa uu yiri. “Nasiibdarro, taas ma dhicin.”

Guud ahaan intii uu dhallinyarada ahaa iyo horraantii qaangaarnimadiisiiba, waxaa uu dhibaato kala kulmayey helidda adeegyo aasaasi ah iyo fursado. Ma jirin nidaamyada iyo qaab-dhismeedyada ramsiga ah ee wax looga qabanayo baahida dadka naafada ah – oo ay ka mid tahay baahida waxbarasho, waxaana badanaa mas’uuliyadda daryeeliddoodu xambaari jirey qoysaskooda iyo qabaa’ilkooda.

Markii uu dillaacay dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya isaga oo dhowr iyo laaban jir ah, ayaa qoyska Mudane Sakariya waxaa ay badbaado u soo doonteen degaanka ilaa xad xasiloonidu ka jirtay ee Puntland.

Soo-guuriddu waxaa ay ku keentey is-beddello dhaafsiisan ka badbaadidda dagaalkii sokeeye ee ka socdey koonfurta dalka.

Inkasta oo adeegyada iyo tas-hiilaadka bulshada ee dadka dhegaha la’ aaney khasab ahayn in ay ku wanaagsaneyd Puntland, haddana xoogaaga nabadda ah ee halkaasi ka jirey ayaa u saamaxay in uu horumar sameeyo isaga oo jacayl waalidnimo iyo taageeraba ka haysta aabbihiis.

Aabbaha dhaley Mudane Zakariya waxaa ka go’nayd in uu waxbarasho u helo wiilkiisa, inkasta oo marar badan loo soo diidey sababo inta badan lagu sheegi jirey “jiritaan la’aanta tas-hiilaad ku habboon.”

“Aad baan u da’ yaraa markii aan dhega-beeley. Aabbahay ayaa isku dayey in uu marar badan i geeyo dugsiyada aasaasiga ah ee Muqdisho laakiin, maaddaama uu maqalkeygu hooseeyey, dhammaantood waa ay soo diideen arjigeyga,” ayaa uu yiri.

“Markii uu aabbahay arkey culeysyadan, waxaa uu go’aansadey in uu i siiyo daryeel iyo taageero, oo ka duwan tan walaalahay ay heli jireen, sababta oo ah waan u baahnaa.”

“Laakiin aabbahay marna ma quusan – waxaa uu ii qorey macallin gaar ah oo i barey xirfadaha aasaasiga ah ee akhris-qoraalka iyo xisaabta. Gabdhaha walaalahay ah ee iga waaweyn ayaa sidoo kale i dhiirrigeliyey oo igana caawiyey waxbarashadeydii,” ayaa uu raaciyey. “Qof nasiib leh oo keliya ayaa heli kara qoyska sidaas dad u saacida. Saacidaaddooda ayaa igu dhiirrigelisey in aan si joogto ah u sii wanaajiyo waxbarashadeyda. Waan hubaa in, haddii aan heli lahayn saacidaaddooda, aan ahaan lahaa qof aan waxbaran oo aan waxna ku dhiirran. Laakiin hadda, waxaan ahay qof wax bartey waxaana aan aqoonteyda la wadaagayaa carruurta naafada ah ee dalkeyga.”

Marba haddii uu bilaabey, wiilkaa dhallinyarada ah waxaa ka go’naa in uu sii wato.

“Waxaan dhammeystey dhowr koorso oo luuqadda meedaarka ah oo lagu baranayey internet-ka, laakiin kan aad wax iiga bedddekey waxaa uu ahaa barnaamij lix bilood soconayey oo aan Addis Ababa ku qaatey sanadkii 2006dii,” ayaa uu yiri Mudane Zakariya. “Halkaa, waxaan shahaaddada Luuqadda Meedaarka Mereykanka (American Sign Language) ka soo qaatey ururka Diiwaanka Turjumaannada Dhogoolayaasha ee the Registry of Interpreters for the Deaf (RID).”

untmis photo

RID oo Xaruntiisu tahay Mareykanka waa urur aan faa’iido-doon ahayn oo jaangooyooyin u dejiya Turjumaannada Luuqada Meedaarka ee Mareykanka/American Sign Language (ASL) waxaana uu sidoo kale yahay hay’adda bixineysa shahaaddada turjumaannada luuqadda meedaarka. Shahaaddada RID waa mid qiimo ka leh turjumaannada ASL agtooda, waana shahaaddo loo adeegsadey doorka turjumaannimo ee Mudane Zakariya ee hay’adda PDCDA iyo bulshada degaanka dhexdeedaba.

Bilaabiddii dugsiga

Waxbarashadiisii ka dib, Mudane Zakariya waxaa uu aad u rabey in uu caawiyo dadka kale ee ay haysteen dhibaatooyin la mid ah kuwii soo marey. Waxaa uu si firfircoon ugu lug yeeshey in uu uga dhex qareemeeyo gunta hoose ee bulshada Puntland si uu dhallinyarada da’yarta ah ee dhegaha la’ uu gacan uga siiyo in ay helaan waxbarasho nidaami (toos) ah.

Waxaa uu bilaabey in uu bulshooyinka degaanka ku wacyigeliyo jiritaan la’aanta baahsan ee waxbarasho ay helaan dadka naafada ah. Dadaalladiisa waxaa ka mid ahaa abaabulidda bulshada, waxqabadyo wacyigelin ah iyo ku-qalqaalinta maamuladda degaanka in ay aqoonsadaan oo ayna wax ka qabtaan caqabadaha haysta dadka dhegaha la’ iyo dadka kale ee naafada ah.

feature_photo_unm8223.jpg

Toddoba sano ka hor, ayaa ay wax is-beddeleen. Waxbaa is-furfurey.

“Ugu dambeyntii, dadaalladeennii guul ayaa lagu gaarey waxaana ii suuroobey in aan helo goob aan ka bilaabo fasallo aan wax ugu dhigo arday dhogoole ah,” ayaa uu yiri Mudane Zakariya, isaga oo codkiisu ka muuqdo in uu aad ugu faraxsan yahay guushaa u soo hoyatey.

Taageeradan bilowga ah ee dowladda laga heley waxaa ay la halmaashey bixinta goob (fasallo) iyo qalabka aasaasiga ah ee fasallada. Wax bey na tartey, laakiin waxaa jirey caqabado kale – oo ay ka mid ahaayeen is-qorista – taas oo ku dhalisey in uu dadaalkiisii sii kordhiyo.

“In qoysaska lagu qanciyo in carruurtooda ay qoraan dugsiga ayaa ahayd mid adag,” ayaa uu yiri Mudane Zakariya. “Waxaan la kulanney caqabado waaweyn: wacyiga bulshada ee ku aaddan waxbarashada dadka dhegaha la’ oo xaddidnaa.”

Sida ku qoran Qorshaha Qaran ee Horumarka ee Soomaaliya ee 2020-2024, dadka naafadaha ah ayaa ah dadka ugu nugul ee Soomaaliya jooga waxaana ay ka mid yihiin kooxaha ugu nugul ee aan haysan ilaalin bulsho iyo mid shaqo toona. Kaaga sii daranne, qaybo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed waxaa ka dhex jira “fikrado khaldan oo weli laga aaminsan yahay waxbaridda carrruurta dhegaha la’.”

feature_photo_old_photo_2

Mudane Zakariya ayaa si toos ah u soo arkey aabo-yeelid la’aanta bulshada ee arrintan. Waxaa uu ogyahay in uu nasiibkiisu siiyey aabbe ka fekerayey waxbarashadiisa laakiin waxaa uu sidoo kale ogsoon yahay in ay weli jirto aqoon-darro baahsan oo la xiriirta waxa ay xaqiijin karaan carruurta naafada ah.

“Waa wax dad badan ka dhaadhacsan in carruurta naafada ah – gaar ahaan kuwa dhegaha la’ – aaney waxbarashada ku fiicnaan karin iyada oo taasi sabab u tahay dhibaatada haysata. Taas waxaa ka dhashey, in tiro badan oo carruur naafo ah ay iska joogaan guryaha iyaga oo aan waxbarasho haysan,” ayaa uu yiri.

Waqti iyo dadaal joogto ah ka dib, u-qareemeyntii ay hormuudka u ahaayeen Mudane Zakariya iyo dadkii ay iskaashanayeen ayaa natiijo lagu gaarey ka dib markii maamulka Puntland uu taageero dheeri ah siiyey ururka. Sanadkii 2019kii, isaga oo ku dhex shaqaynaya laba qol oo kiro ah oo ku yaalla Garoowe, ayaa garabka dugsiga ee PDCDA uu si rasmi ah u furey albaabadiisa oo uu uuna soo dhoweeyey 26kii arday ee ugu horreeyey.

Bilowgaa tabcaanka ah tusaale uma ahayn waxa soo socdey. Tirada ardayda ayaa si joogto ah u korodhay – iyada hadda heehaabaysa 50-meeyo –markii taageero laga heley Wasaaradda Waxbarashada ee Puntland, ayaa dugsigu uu sii ballaartey iyada oo saddex fasal oo si khaas ah loogu talogaley ardayda noocan ah looga dhisey goob cusub oo ku taalla daafaha magaalada. Waxaa uu dugsigu sidoo kale soo heley laba bas oo lagu qaado ardayda. Hay’adda waxaa hadda u shaqeeya shaqaale 11 ah, oo ay ka mid yihiin saddex macallin, turjumaan, iyo laba darawal.

feature_photo_unm8226.jpg

Culeysyada jira

Culeys joogto ah oo haysta PDCDA waa helidda maaliyad.

Keliya afar sano ka hor ardayda dhigata PDCDA waxaa ay ahaayeen ku dhowaad 100, laakiin maanta tiradu waxaa ay ku dhowdahay kalabar. Lacagta ujuurada ah ee dugsigu qaado bishii waa $10 doolar, laakiin saboolnimo jirta ayaa xataa lacagtaa yar ka dhigtey mid aan la iska bixin karin. Arday ka badan dersin ayaa lacag la’aan ku dhigta, iyada oo Mudane Zakariya iyo kooxdiisu ay isku dayayaan in ay waxbarasho siiyaan ardayda dhaqaalahoodu uu xaddidan yahay.

“Waqtigan, waxaan wax barnaa 52 arday oo ka kala yimid guud ahaan Puntland, kuwaas oo ay ka mid yihiin 37 gabdhood,” ayaa uu yiri Mudane Zakariya. “Yaraanta tirada ardayda is-qoreysa waxaa sabab u ah dhibaatada maaliyadeed ee haysata dadka, sababta oo ah waxaa jira dad badan oo aan iska bixin karin xataa ujuuradan yar. Maaddaama aan nahay mac-hadka keliya ee noocan ee ku yaalla guud ahaan Puntland, waxaan u baahannahay kaalmo si aan u sii jirno.”

“Maaddaama dugsigu uu ku yaallo meel gees ah oo cidlo ah waxaan u baahannahay gaadiid gaar noo ah” ayaa uu tusaale ahaan raaciyey. “Haseyeeshee, in si joogto ah lacag loogu helo shidaalka ayaa weli ah rafaad joogto ah.”

Waqtigan, PDCDA waxaa ay bixisaa waxbarasho ilaa fasalka afaraad ah, waxaana u qorsheysan in ay sii ballaariso fasallada ay bixiso oo ay gaarsiiyo ilaa fasalka 12aad, oo ah dhammaadka dugsiga sare. Waa dugsiga keliya ee nidaamiga ah ee ka furan Puntland ee la halgamaya kaalmeynta ardayda dhegaha la’.

feature_photo

Mudane Zakariya waxa uu sida joogtada ah uga welwelo waa in ardaydiisa ay joojiyaan waxbarashadooda, sababtu ha ahaato culeys maaliyadeed ama caado-dhaqameed.

“Waan garanayaa laxawga iyo dhibaatada ay tani ku keeni karto qoyska. Waqtiyadaan, qoysas badan oo Soomaaliyeed ayaa waxaa soo wajaha dhibaatooyin dhaqaale oo ka hor-istaagaya in ay carruurtooda u diraan dugsi. Intaa waxaa dheer, badanaa mudnaanta koowaad lama siiyo carruurta naafadaha ah. Sidaa daraaddeed, carruur badan – gaar ahaan kuwa aan la shaqeeyo oo kale – ayaa noqda kuwo aan wax baran waxaana ay ku noolaadaan saboolnimo,” ayaa uu yiri.

QM iyo xuquuqaha naafada

Sida ku qoran Warbixinta National Disability Report 2024, ee ay soo saartey Hay’adda Istaatistikada Qaranka, ilaa 3.5 boqolkiiba dadka Soomaaliyeed waa shakhsiyaad dhego la’. Marka loo kala dhigo lab iyo dheddig, 4.1 boqolkiiba haweenka iyo 2.7 boqolkiiba ragga ayaa soo sheega in ay dhibaato ka haysato maqalka.Wadar ahaan, dhogoolanimada ayaa ah qayb weyn oo ka mid ah wadarta dadka naafadaha ah ee dalka jooga.

feature_photo

Marka loo yimaado arrinta ilaalinta xuquuqaha dadka naafada ah, Soomaaliya guulo waaweyn ayaa ay xaqiijisey sanadihii u dambeeyey. Guulahani waxaa ka mid ah ansaxinta Heshiiska QM ee Xuquuqaha Dadka Naafada ah, iyo dhisidda Hay’adda Naafada Qaranka iyo soo-saaridda Sharciga Ilaalinta Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed.

Labada la soo sheegey, tan dambe ayaa ah guul weyn oo laga gaarey ilaalinta sharafta iyo u-dhammaanshaha dadka naafada ah. Sharciga ayaa damaanad-qaadaya waxbarasho isaga oo islamarkaana waajibinaya isla-xisaabtan hay’adeed, waxaana qodobbadiisu ay dugsiyada ku waajibinayaan in ay hirgeliyaan waxbarasho loo dhan yahay iyo ilaalin degdeg ah oo ay helaan dadka naafada ah.

“Horumarka ay Soomaaliya dhowaanahan ka gaartey dhinacyada sharci-dejinta iyo ilaalinta kale ee xuquuqda dadka naafada ah ayaa ah mid mudan in la amaano, waxaana ay muhiimaddiisu la siman tahay dadaallada dhulka ka socda ee ay wadaan dad sida Mudane Zakariya oo kale ah, ee bulshada u adeegaya maalin kasta,” ayaa ay tiri Madaxa Kooxda Xuquuqda Aadanaha iyo Ilaalinta ee UNTMIS, Kirsten Young, oo sidoo kale ah Ergeyga Hay’adda QM ee Xuquuqda Aadanaha ee Office of the UN High Commissioner for Human Rights (OHCHR) u fadhiya Soomaaliya.

“Waxaan sidoo kale dhiirrigelineynaa in si rasmi ah loo aqoonsado loona ansaxiyo qabyo-qoraalka Luuqadda Meedaarka ah ee Soomaaliyeed ee ay diyaariyeen ururrada dadka dhegaha la’” ayaa ay hadalkeeda raacisey.

feature_photo_1