UNTMIS
Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Hadallada uu Ergeyga Gaarka Ah Ee QM U Qaabilsan Soomaaliya, James Swan, u jeedisey warbaahinta, intii uu ku guda jirey booqashadiisii Baydhabo, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed

UN Special Representative James Swan visits Baidoa

(Sidii loo soo jeediyey]

Subax Wanaagsan,

waxaan ku faraxsanahay in maanta aan joogo Baydhabo, iyo in aan helo fursad aan kula kulmo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed ‘Laftagareen’ iyo xubnaha maamulkiisa – waxaanna uga mahadcelinayaa madaxweynaha iyo kooxdiisa soo-dhoweynta diirran ee mar kasta na loo sameeya.

Maanta, Madaxweynaha iyo anniga waxaan ka wada-hadalney arrimo kala duwan oo la xiriira qaran-dhiska, amniga, iyo baahiyada bani'aadamnimo ee ka jira Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha ayaa warbixin gaaban iga siiyay diyaar-garowyada socda ee NIEBC [Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha] ee loogu talagalay diiwaangelinta codbixiyaha, ka-dibna doorashooyinka golayaasha degaanka ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed. Iyada oo taa la tixgelinayo, ayaa waxaad dib u xusuusiyay muhiimadda ay leedahay jawi siyaasadeed cid kasta u furan oo saamaxaya in lagu guuleyst qabashada doorashooyinka heer kasta.

Xaaladda beni'aadannimo ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa weli ah mid halis ah, gaar ahaan marka la eego hubanti la'aanta ka jirta caalamka ee joogteynta heerarka gargaarka. Iyada oo kaashaneysa hay’adaha samafalka, ayaa Qaramada Midoobay waxay si wadajir ah ugala shaqeyneysaa mas'uuliyiinta Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed si wax looga qabto baahiyahan degdegga ah.

Waxaanna dooneynaa in aan mudnaansiinno kuwa aadka ugu baahan gargaarka. Waxaan sidoo kale, dabcan, dooneynaa in aan waxqabadka bani'aadamnimada ku xiriirino baahiyada horumarineed ee muddada-dheer ee dowlad-goboleedkan.

Marka dhinaca amniga la eego, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa weli u dhabar adeegaysa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Waxaan bogaadinayaa dedaallada socda ee ay wadaan Ciidanka Qaranka Xoogga Dalka iyo ciidamada Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ee ku aaddan difaacidda iyo dib u qabsashada dhulka gobollada kala duwan ee dowlad-goboleedka. Dadaalladan waxaa ay ifafaallo u yihiin geesinimada iyo adkeysiga ciidamada Soomaaliya ee la dagaalamaya Al-Shabaab.

Madaxweynaha iyo aniga waxaan sidoo kale ka wadahadleen arrimaha qaranka, oo ay ku jiraan mudnaanaha amniga iyo qorshayaasha doorashooyinka.

Waxaan hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay midnimada iyo wadahadal ay u dhan yiiin hoggaamiyayaasha bulshada iyo siyaasadda ee Soomaaliya.

Waxaan mar kale ku celiyay mowqifka saaxiibada Soomaaliya ee caalamiga ah: waxaan soo dhoweyneynaa hinddisaha uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu dhawaaqay farriintiisa Ciidul-fidriga ee ku aaddaneyd diyaarinta madal kulmisa dhammaan codadka Soomaaliyeed si loo hormariyo mudnaanaha qaran-dhiska dalka, iyo in si hufan wax looga qabto khatarta Al-Shabaab.

Mudane Madaxweyne, ii oggolow in aan ku soo gebbagabeeyo xaqiijinta sida bahda QM ay uga go'an tahay in ay Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ka taageeraan mudnaanaheedda qaran-dhiska. Mudane Madaxweyne, waxaan mar kale kaaga mahadcelinayaa, wada-shaqeyntaada xooggan.

Mahadsanid.