Muqdisho – Iyadoo la xusayo billowga 16-ka Maalmood ee Ololaha Dhaq-dhaqaaqa caalamiga ee sanadlaha ah ee ka dhanka ah Xad-gudubyada Ku Saleysan Jinsiga, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay maanta hoosta ka xariiqday muhiimadda ay leedahay mas'uuliyiinta Soomaaliya in ay kordhiyaan maalgelinta dagaalka ka dhanka ah xad-gudubyada ku salaysan jinsiga.
“Wax-ka-qabashada xad-gudubyada ku salaysan jinsiga waxaa ay u baahan tahay kheyraad maaliyadeed iyo agab iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo ilaalinta haweenka, carruurta, shakhsiyaadka naafada ah, iyo dadka laga tiro badan yahay ee ah kuwa ugu nugul ee wajahaya xad-gudubyada ku salaysan jinsiga iyo galmada,” ayuu yiri, Sii-hayaha Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.
“Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ku baaqaysa ansixinta sharciyada dembiga ka dhigaya xad-gudubyada ku salaysan jinsiga iyadoo la raacayo waajibaadyada xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah oo ay Soomaaliya horey u saxiixday. Sharciyadan ayaa hubinaya in shakhsiyaadka dambiyadaas gala lagula xisaabtamo iyo in dhibbanayaasha ay caddaalad helaan,” ayuu hadlkiisa ku darey Md. Swan.
Hal-ku-dhigga caalamiga ah ee ololaha sanadkan ee 16ka Maalmood ee ololaha – “MIDOWID! Maalgelinta si looga Hortago Xadgudubyada Ka Dhanka ah Haweenka iyo Gabdhaha” – ayaa muwaadiniinta ugu baaqaya in ay ballanqaadkooda muujiyaan iyaga oo wadaagaya tallaabooyinka ay qaadayaan si ay u abuuraan adduun aan lahayn xadgudub ka dhan ah haweenka iyo gabdhaha. Ololaha ayaa sidoo kale ugu baahaya dowladaha caalamka oo dhan in ay wadaagaan sida ay u maalgelinayaan ka hortagga xadgudubka jinsiga ku saleysan.
Muddada 16-ka maalmood ah, QM ee Soomaaliya waxay la shaqeyn doontaa dowladda iyo bulshada rayidka ah si loo muujiyo baahida loo qabo soo af-jaridda xad-gudubyada ku saleysan jinsiga iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo baahida loo qabo in la dardargeliyo hannaanka sharci-dejinta si loo dejiyo sharciyada lagu ilaalinayo haweenka iyo gabdhaha. Qaramada Midoobay waxaa ka go'an in ay taageerto haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed si ay u gaaraan awooddooda buuxda oo ay ugu noolaadaan nolol xor ka ah dhammaan noocyada xad-gudubyada kala duwan.
Bishii Abriil ee sannadkan, QM waxaa ay soosaartey warbixinta 'Wax-ka-qabashada xadgudubka galmada ee Soomaaliya: ka hortagga iyo ilaalinta,' taas oo lagu soo bandhigey talooyin ku saabsan sida loo sii wanaajinayo jawiga ilaalinta ee haweenka iyo gabdhaha Soomaaliya.
6-ka Maalmood ee Ololaha Dhaq-dhaqaaqa sanadlaha ah wuxuu bilaabanayaa 25-ka Nofembar, Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Xadgudubyada ka dhanka ah Haweenka, wuxuunna socon doonnaa ilaa 10-ka Disembar, Maalinta Xuquuqul Insaanka. Ololaha ayaa hiigsanaya kordhinta wacyigelinta, dhiirrigelinta dadaallada u-qareemaynta iyo wadaagista aqoonta lagu soo afjarayo xadgudubka ka dhanka ah haweenka.

